Muuse Biixiyow Farmaajo ma aha saad u maleysay: Arrimo ay tahay in la ogaado xaqiiqdooda

كل المسلم على المسلم حرام : دمه وماله و عرضه

Qof kasta oo muslim ah waxaa ka xaraam ah inuu daadiyo dhiiga muslimka, dhaco maalkiisa, ku xadgudbo Sharafkiisa.

Horey Ayaan u sheegay in Madaxweyne Farmaajo ahaa nin leh taarikh fiican iyo akhlaaq wanaagsan, wadani ah oo aan qabiili ahayn dadka iyo dalkana jecel. Waxaan dhawaan dhegeystay halkaana aan kusoo lifaaqay hadal kasoo yeeray Gudoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ahna Murashax Madaxweyne Mudane Muuse Biixi oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku taageray dowladii kacaanka gabood falkii lagula kacay Somaliland una ka mid ahaa diplomaasiyiinta Soomaaliya u joogay Newyork ee dafirayay tacadiyada ka dhacay gobolada waqooyi ee ay geysatay xukumadii kacaanka.

Waxaan rabaa inaan Mudane Muse Biixi u sheego in la siiyay maclumaad khaldan. Farmaajo siduu Muuse laftigiisu sheegay ma ahayn nin xil siyaasaded oo heer fulineed kasoo qabtay dowaladii kacaanka wuxuuna waqtigaas ahaa nin dhalinyaro ah. Madaxweyne Farmaajo oo aan Aqoon dheer u leeyahay saaxibana ahayn marnaba kama mid noqon taagerayaasha nidaamkii dalka ka talinayay. Waxaan xusuusta inuu aad u dhaliilsanaa siyaasada dowlada gaar ahaan arimaha gudaha.

Farmaajo oo nin dhalinyaro ahaa waxaa horaantii sanadkii 1985-dii loo bedelay Safaarada Soomaaliya ee Washington, D.C, ee dalka Maraykanka. Waxaa uu mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadkii 1988-dii oo ah xilligi ay dhacayeen dagaalada Waqooyi galbeed waxaa Farmaajo lagu wargeliyay inuu kusoo laabto dalka, wuxuuse go’aan ku gaaray inuu waxbarashadiisa dhamaysto, dalka maraykankana waydiisto magangalyo siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu weligiis ahaa nin wadani ah oo Soomaali-nimada iyo Midnimada ummadda Soomaaaliyed jecel, ixtiraama bulshada qeybaheeda kala duwan mana jecleyn in qof ama qolo Soomaaliyed lagu xadgubo oo la dulmiyo.

Walaalkey Muuse Biixi warbixinta la siiyay ayaa khaldan, xaqiiqaduna waa taas aan kor kusoo sheegay. Mudane Muuse Biixi haduu qoraalkaan akhristo oo aan ku baahin doono warbaahinta Soomaalida waxaan ka codsan lahaa inuu kasoo laabato mowqifka uu ka taagan yahay dowlada cusub ee ay shacabka Soomaaliyed ee walaalihiis ah doorteen. Mudane Muuse hadii uu ku guuleysto Madaxtinimada Somaliland waxaan ugu baaqi lahaa inuu wadahadal niyad samaan ku dhisan la furo dowlada Soomaaliyed ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Anigu waxaan ahay nin marwalba wanaag iyo horumar la jecel walaalihiis Somaliland iyo Soomaali oo dhan Madaxweyne Farmaajana waa sidayda oo kale. Waxaa idin la shaqeeya oo ka mid ah la taliyayaashin-a saaxiibkay Cabdi Ismaacil Yonis oo ah Aqoonyahan rugcadaa ah oo Somaliland u dhashay oo reer Kanada nala ahaa hadana idinla jooga Hargeysa oo ogsoon inaan ahay nin mabda’ leh oo ixtiraam badana u haya reer Somaliland . Waxaan mar labaad u rajeyanayaa walaalaheen Somaliland Nabad, Barwaaqo iyo Horumar.

Halkaan waxaad ka dhegeysan kartaan Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ka sheekeynaya xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa ixtiraamka uu u hayay xildhibaanada u dhashay degaanada Somaliland:

Waxaan kusoo gunaanadayaa warkeyga Ducada hoose oo aan kusoo xiri jiray qoraaladayda sanooyinkii lasoo dhaafay, waa Alle (SWT) mahadiisa inaan maanta haysano dowladii ay shacabku ka dalbadeen xildhibaana-dooda sharafta leh.

 
Allow dhulkayaga Amaankiisa Nin uu Eedo ka Illaali, Allow Dadkayga Caddaaladisa Nin ay dhalilaan ka Illaali, Allow Dalkayga Madaxnimadisa iyo Hoggaankisa Nimaan u qalmin ka Illali.

May Allah protect our country and bless us with good leaders. Aamiin

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi
Arladun@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid