Xog: Ciidamo ku beel ah Xasan Sheekh iyo Shariif oo banaanka looga saaray Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidaamda sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee Gaashaan ay si ramsi ah ula wareegeen sugidda ammaanka madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo ku sugan Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka ay si gaar ah u sugi doonaan ammaanka xafiiska madaxweynaha iyo labada guri ee uu ka degan yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xarunta madaxtooyada dibedda looga saaray ciidamadii koofiyada guduudda ee mudda qaabilsanaa ammaanka Villa Somalia, ayaga oo garab ka helaya ciidanka Amisom.

Ciidamada laga ceyriyey Villa Somalia ayaa u badnaa ciidan kasoo jeeda labada beelood ee Agoonyar iyo Waceysle ee Abgaal, waxayna ku heyb ahaayeen labadii madaxweyne ee ka horreeyey madaxweyne Farmaajo, ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Ciidankan ayaa la sheegay in loo wareejiyey sugidda amniga hareeraha madaxtooyada iyo jidadka soo gala.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegay inay jirto cabsi xooggan oo laga qabo in ciidankan hadda banaanka madaxtooyada jooga gebigoodba la kala diro.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ciidamadan banaanka looga soo saaray Villa Somalia, hase yeeshee qaarkood ayaa laga soo xigtay in laga yaabo in madaxweynaha cabsi ka qabo inaanu isku haleyn karin, maadaama aysan ku beel ahayn.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Amisom ay weli ku sugan yihiin madaxtooyada.

Ciidamada gaashaan ayaa ah ciidamo aan ku shaqo lahayn sugidda amniga madaxtooyada, waxaana shaqadooda rasmiga ah ay tahay howl galada gaarka ah, iyo marka kooxo hubeysan ay weeraraan xarumaha dowladda iyo hotelada ku yaal Muqdisho, in lagu soo daabulo.

Ciidamada Koofiya Guduudda aya la sheegay inay yihiin ciidamada ugu asluubta iyo tababarka wanaagsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ka ceyrintooda Villa Somalia ay dhalisay in su’aalo la iska weydiiyo ujeedada rasmiga ah ee arrintan ka dambeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com