Xasan Sheekh oo ku dhaqaaqay arrin sharci darro lagu qeexay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan looga guuleystay doorashadii ka dhacday Soomaaliya waxaana dalka madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markaas kadib madaxweynaha ayaa si rasmi ah xilka iyo maamulka madaxtooyada Soomaaliya ugu wareejiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo midaasna waxay aheyd sharci qasab ku aheyd Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba waxaa la filayey inuu madaxweynaha iska nasan doono dalkana ka bixi doono maadama uu wadanka maamulayey muddo 4 sano ah uuna u baahan yahay nasiino, balse midaas ma dhicin oo wuxuu sameeyey tallaabo aan waafaqsaneyn Sharciga.

Madaxweynaha ayaa bilaabay inuu maalin kasta tago xarunta looga arrimiyo Soomaaliya ee madaxtooyada isagoo weli doonayo inuu go’aanada dowladda wax kusii yeesho.

Madaxweyne Xasan ayaa aad ey isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana la sheegay inuu doonayo in gacan ku yeesho dhismahda golaha wasiirada cusub.

Adduunyada horumartay meel iska dhig xataa dowladaha Africa oo lagu tiriyo inay yihiin dowlado musuqmaasuq ku dhisan kama aysan dhicin in madaxweyne xilka laga wareejiyey lagu arko meesha dalka looga arriminayey.

Haddii aan tusaale usoo qaadano dowladda aan dariska nahay ee Kenya waxaa hadda madaxweyne ka ah Uhura Kenyatta welina ma dhicin in madaxweynihii ka horreeyey lagu arko isagoo dhex joogo xarunta Madaxtooyada.

Ku darso haddana  Shiikh Shariif markii uu Xasan U baneeyey madaxtooyada ma dhicin inuu Shiikha mar kale lagu arko Villa Soomaaliya taasoo muujineyso inuu Xasan Madaxweyne Farmaajo ku sameenayo wax uusan Shiikh Shariif isaga ku sameyn.

Sharci yaqaanada ayaa kuu sheegayo inuu madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku tallabsaday arrin sharci daro ah oo ay ku kaliftay xukun jaceyl.

Xasan ayaa doonayo inuu weli lug kusii lahaado siyaasadda Soomaaliya taasina waxay dhibaato ku noqon doontaa madaxweyne Farmaajo oo laga sugayo inuu dalka isbadal muuqdo kusoo kordhiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com