CC Shakuur oo si weyn u duray ballanqaadyo uu helay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharixiintii u tartamay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ee uu ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii horeysay duray dowladda cusub.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa Twitterka kusoo qoray qoraal kooban ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda cusub ay ku bilaabatay qaab daciifnimo ah oo weliba si weyn ugu tiirsan dibadda.

Ninkaan horey usoo noqday wasiirka qorsheynta dayaa Twitterkiisa soo dhigay qoraalkaan aad hoos uga jeedo

 

 

Wuxuuna micnihiisa noqonayaa af Soomaali ahaan “ Si cad hadaan uga hadlo dowladdeena waxay sii noqneysaa mid aan awood laheyn oo ku xiran dibadda, waxayna sii xoojineysaa ku tiirsanaanta meeshana waxay ka saareysaa isku tashiga”.

Sidoo kale Cabdirshakuur ayaa farrintaan kale kusoo xijiyey isagoo yiri:

 

“Tani  macnaheedu waa in wadaddii isla xisaabtanka ay noqoto mid u dhaxeysa dowladda iyo deeq bixiyeyaasha, halkii la rabay shacabka, taasoo halis gelineysa sharcinimada dowladda.

Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu ka dhawaajiyey inay dowladda Sacuudiga kabi doonto miisaaniyadda Dowladda.

Sidoo kalana dhawaan Midowga yurub ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda ka caawin doonaan mushaarka ciidamada Booliska ilaa sanadka 2020.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com