Wax Badan ka ogow siyaasiyiinta uu saaxiibka dhaw la yahay R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul wasaare ka dhigay Xasan Cali Kheyre oo ah shaqsi ku haboon shaqadaas waxaana ku taageeray Baarlamaanka Soomaaliya oo siiyey dhammaan codadkooda.

Xasan Cali Kheyre  waxaa lagu sheegaa inuu yahay shaqsi aan siyaasadda ku lug laheyn sidaas oo ay tahayna wuxuu saaxiib dhaw la yahay rag xilal waaweyn kasoo qabtay soomaaliya.

Haddaba Caasimadda Online oo baaritaan dheer soo sameysay ayaa ogaatay siyaasiyiinta uu sida weyn saaxiibka ula yahay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Markasta oo aad saaxiib la tahay siyaasiyiin awood ku leh dalka waxay kuu fududeeneysaa inaad jaanis fiican ka hesho saaxadda siyaasadda sida uu nasiib nasiibka u yeeshay Ra’isul wasaaraha cusub oo kale kaasoo si lama filaan ah xilkaas u helay.

Haddaba hoos ka aqriso siyaasyiinta uu saaxiibka dhaw la yahay Xasan Cali Kheyre

  • Shariif Xasan Sheekh Aadan
  • Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
  • C/raxmaan Odowaa
  • Xasan Sheekh Maxamuud
  • Faarax Sheekh C/qaadir
  • C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kalana Ra’isuwlasaaraha ayaa xiriir fiican la leh dowladaha dariska ah waxayna midaas ka shaqeyn doontaa inaysan iska hor imaan siyaasadda Soomaaliya iyo midda dowladaha dariska ah sida Kenya iyo Itoobiya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com