Aqriso beesha uu kasoo jeedo shaqsiga uu R/W Kheyre maanta magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulw asaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay shaqsiga noqon doono xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed Keynan Xirsi ayaa noqonaya Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha Cusub Xasan Cali Kheyre, waxaana uu bedelaya Abdusalam Salwe oo lasoo shaqeeyay Ra’isal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Ninkaan ayaa u dhashay beesha Majeerteen, gaar ahaan waa beesha Cismaan Maxamuud wuxuuna horey u ahaa  la taliyihii madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa horey ayaa ninkaan u magacaabau Afhayeenkii guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com