Exclusive: Turkiga oo billaabay inay lacagta dakadda 15% u ogolaadaan shaqisyaad gaar ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-  Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ee waqtigeeda dhamaaday ayaa Dowladda Turkiga ku wareejisay maamulka Dakadda iyadoo xilligaas lagu heshiiyey inay lacagta kasoo baxdo qaataan 55% halka dowladdana ay qaadato 45%.

Dowladda Turkiga ayaa lagula heshiiyey inay dayactir weyn ku sameyso dakadda sidoo kalana ay keento qalab casri ah sida dhabta ah way fulisay wixii lagu ballamay inkastoo ay arrintaan dhibaato weyn ku noqotay muruq maalatadii Dakadda ka shaqeynsan jiray.

Haddaba maadaama dowladdii Xasan meesha ka baxday oo uu is badalay maamulkii hey’adda Turkiga ah ee heysato Dakadda Muqdisho ayaa bilawday qaabab cusub oo ay shaqadeeda ku badbaadsaneyso.

Hey’addaan ayaa usoo martay arrintaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim oo ahaan jiray Agaasime ku xigeynkii madaxtooyada dowladdii waqtigeeda dhamaaday.

Hey’adda ayaa labadaan shaqsi madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Saadaq oo hadda kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ee matala Galmudug kula heshiisay inay siiso 15%  Faa’idada Dakadda taasoo laga jarayo saamigii ay laheyd Hey’adda Turkiga oo markii hore aheyd 55%, waxayna si hoose ugu heshiiyeen inay dowladda cusub kusoo qanciyaan inay qaadato lacagtii markii hore lagu heshiiyey ee aheyd 45%, halka Turkiga la siin doono 40%, inta hartay oo ah 15% la siin doono shaqsiyaadkaan howshaan qabanayo.

Sidaas darteed madaxweynaha iyo Xildhibaan Saadaaq ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey madaxtooyada Villa Soomaaliya waxayna kulamo la qaateen madaxda dowladda cusub.

Lama qiyaasi karo jawaabta ay labadaan shaqsi dowladda cusub kala kulmi doonaan waxaana idiin soo gudbin doonaa wararka kasoo kordha iyadoo hadda ay soo baxayaan dadaaliin kale oo doonayo in iyagana la siiyo haaf kamid ah 15% si ay dowladda uga soo ansixiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com