Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Goodax Barre ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Taliyayaasha Ciidamada ugu baaqay inay is casilaan ama ay wax ka qabtaan xaalada Amni ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu ku amaanaayo talaabadaasi geesinimada leh, waxa uuna qudhiisa ku baaqay inay is casilaan Taliyayaasha Hay’adaha Amaanka DFS.
”Haddii aysan waxba ka qabankarin amniga waan u duceyneynaa ha is casilaan, suuragal maaha in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan falal amni darro iyaguna ay yihiin kuwo aan ka warqabin dhibka taagan”
Isagoo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid taagan heerkii ugu xumaa waxa uuna ku baaqay inay Is casilaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka, ka hor inta aan xilka laga qaadin.
”Waxaa raacsanahay go’aanka uu Madaxweynuhu ku dalbaday Is casilaada Taliyayaasha aan howshooda ka adkaan karin, waxaan qabaa inay Is casilaan ka hor inta aan xilka laga qaadan waayo waxaan u baahanahay isbedel muuqda oo dhanka Amniga ah”
Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in Xildhibaanada BFS ay la imaan doonaan xisaabtan dhanka Amaanka ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Shacabka ay u baahan yihiin Amni iyo Cadaalad.
Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho marti galineysay Qaraxyo lagu xira Gaadiidka iyo Dilalka fool-ka-foolka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]