Xog: Waqtiga rasmiga ah ee la filayo inuu Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wado wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu ku magacaabayo golihiisa wasiirada.

Haddaba xog hoose oo ay heshay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay dib u dhacday waqtigii la filayey inuu Xasan soo magacaabo oo aheyd berri oo Arbaco ah maadaama dowladda Farmajo looga bartay inay arrimaha saameynta leh ku aadiso Arbacooyinka .

Baaqashadaan kama dhigno inay dowladda Farmaajo badashay nashqadii aheyd inay Arbacada wax magacawdo balse waxaa la filayaa in loo badalay Arbacada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15 March 2017 maadaama uu Ra’isulwasaaraha u baahday waqti dheeraad ah oo uu ku sameeyo la tashiyo.

Markii hore waxaa la filayey inuu Ra’isulwasaaraha berri oo 08 March ah ku dhawaaqo golihiisa wasiirada haddana wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay dib u dhacday inkastoo mar kasta uu go’aanka ku xiran yahay Ra’isulwasaaraha lagana yaabo inuu berriba isaga dhawaaqo haddii ay wax isugu toosaan.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kordha waxaad kala socon doontaa shabakadda Caasimadda Online oo ah shabakad inta badan idiin soo gudbiso wararkii ugu dambeeyey dalka iyo xogaha qarsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com