Xog: Jawaari oo R/W Kheyre u dhiibay liiska shaqsiyaad loo rabo wasiirnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kaalin miisaan leh ka qaadanaayo dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub.

Jawaari ayaa la sheegayaa in Ra’isul wasaare Kheyre uu ku wareejiyay magacyada dhowr Mas’uul kuwaa oo la filaayo in qaarkood ay kamid noqon doonaan Golaha Xukuumada cusub.

Jawaari ayaa shaqsiyaadka uu soo xulay ku doortay howlkarnimo, waxaana la xaqiijinayaa in Ra’isul wasaaraha uu ku wargaliyay in shaqsiyaadkaasi ay yihiin kuwo kasoo bixi kara howlaha ay mudan yihiin in loo dhiibo.

Shaqsiyaadka qaar ayaa la xaqiijiyay inay wada shaqeeyen mudadii uu dalka ka ariminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, halka qaarna ay yihiin kuwo heysta dhaqaale ay ka maarmikara Hanyida Qaranka.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in Shaqsiyaadka uu soo xulay Jawaari ay tirro ahaan dhan yihiin ilaa Lix Mas’uul kuwaa oo laba kamid ah ay kasoo jeedan hal beel, halka afarta kale ay yihiin kuwo beel ahaan kala duwan.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa miisaan ku dhex leh Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in kaalin muuqata uu ku lahaa soo bixitaankiisa.

Si dhab ah looma saadaalinkaro cadadka Mas’uuliyiintaasi ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com