Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ka socda daadgureynta Agabka Xafiisyada Madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed.
Madaxtooyada ayaa la sheegay in si hordhac ah looga raraayo Agabka, iyadoo la geynaayo Madaxtooyada cusub ee magaalada Baraawe.
Agabka loo raraayo Madaxtooyada cusub ayaa waxaa u badan kuwa laga maarmikaro maalmaha soo socda, iyadoo uu u jeedku yahay si loo sii hagaajiyo xafiisyada Madaxtooyada cusub ee magaalada Baraawe.
Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan, ayaa sheegay in maamulka uusan ku filneyn Madaxtooyada Baydhabo ee sida KMG ah loo degan yahay waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in loo wada guuro Madaxtooyada cusub.
Booqasho uu dhawaan ku tagay madaxweyne Shariif magaalada Bawaare ayuu sidoo kale sheegay in dayactir lagu hayo garoonka magaalada iyo goobihii kale ee maamulka degi lahaa.
Maamulka ayaa ku shaqeynayay muddada uu jiray magaalada Baydhabo,waxaana qorshahan uu soo bandhigay madaxweynaha Koonfurgalbeed xilli siyaasadiisa laga diidan-yahay magaalada Baydhabo.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]