Cabashooyin buuxiyey xafiiska Farmaajo iyo Isbedel ku yimid qorshe la rabay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa cabashooyin buux dhaafiyay Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Cabashooyinka ayaa la sheegay inay ka imaaday qaar kamid ah Howlwadeenada Villa Somalia oo dhawaan la sheegay in la kala yareynaayo sababo la xiriira xad dhaafka shaqaalaha ka howlgala Madaxtooyada.

Cabashooyinka Shaqaalaha Villa Somalia ayaa la sheegay inay salka ku heyso sii wadashada Howlahooda, kadib markii ay sheegen in shaqada aysan ku helin garabsi.

Cabashooyinka qaar ayaa la sheegay inay ka turjumeyso baahida shaqaalahaasi ay u qabaan inay gutaan waajibaadkooda Qaran, maadaama Mushaaraadkooda ay ku bixiyaan nolosha qoysaskooda.

Waxa ay Cabashada ku dalbadeen inaan la eegin tiradooda balse laga fekero howlaha ay u hayaan Qaranka oo muddaba mudada xigta sii kordheysa.

Waxa ay dalbadeen inta la howlgalin lahaa shaqaale cusub in iyaga lagu shaqeeyo maadaama ay yihiin kuwo aqoon durugsan u leh shaqooyinka ay iminka hayaan.

Cabashooyinkaani ayaa sidoo kale la sheegay inay ka danbeysay kadib markii Agaasinka Guud ee Villa Somalia uu soo bandhigay in la kala yareeyo shaqaalaha ka howlgala Madaxtooyada.

Geesta kale, Nolosha Boqolaal qoys ayaa ku tiirsan Mushaaraadka ay Shaqaalahaasi ka qaatan Villa Somalia, waxa uuna go’aankaasi sababi karaa in qoysaskaasi ay ku noolaadan nolol ka duwan tan ay iminka heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com