28.1 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Ilhan Omar oo shaacisay inay mar kale u tartamayso Kongareeska Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay mar kale u tartamayso kursigeeda Kongareeska, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto matalaadda shacabka Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.

Ilhan Omar ayaa ku dhawaaqistan ku sameysay qoraal ay ku baahisay barta X, halkaas oo ay ku sheegtay inay gudbisay codsigeeda musharraxnimo ee doorashada soo socota. Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay sii waddo adeegga iyo matalaadda dadka ku nool degmada ay matasho.

Ku dhawaaqista musharraxnimadeeda ayaa soo afjartay hadal-heyntii iyo mala-awaalkii la xiriiray mustaqbalkeeda siyaasadeed, iyadoo si cad u dooratay inay difaacato kursigeeda Kongareeska halkii ay ka raadin lahayd xil kale oo siyaasadeed.

Arrin soo jiidatay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ahayd in Ilhan Omar ay xirtay qaybta faallooyinka ee qoraalka ay ku shaacisay ololaheeda dib-u-doorashada, taas oo dhalisay falcelinno kala duwan.

Doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee la filayo inay dhacaan sannadka 2026 ayaa durba si weyn looga hadal hayaa gudaha Minnesota, iyadoo Ilhan Omar ay weli ka mid tahay siyaasiyiinta ugu magaca dheer uguna saamaynta badan gobolkaas.

Ololaheeda cusub ayaa la filayaa inuu helo dareen heer qaran ah, maadaama ay ka tirsan tahay xubnaha ugu caansan xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska, isla markaana ay marar badan si weyn uga dhex muuqatay doodaha siyaasadeed ee Mareykanka.

Shaacinta Ilhan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay weli socoto hadal-heynta fadeexaddii musuq-maasuqa ee Feeding Our Future, oo ahayd kiis si weyn u saameeyay gobolka Minnesota, isla markaana ay ku lug lahaayeen dad badan oo Soomaali ah.

Toddobaadkii hore waxaa ku dhowaad 42 sano oo xabsi ah lagu xukumay Aimee Bock, oo ahayd aasaasaha ururka Feeding Our Future, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira khiyaano iyo lunsasho lacageed.

Ilaa iyo hadda wax dacwad ah laguma soo oogin Ilhan Omar, mana jirto eedeyn rasmi ah oo saraakiisha federaalku ku soo oogeen oo ku saabsan inay ku lug lahayd qorshahaas, iyadoo iyaduna hore u beenisay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

- Advertisement -

Read more

Local News