Xog: Xafiis ku dhexyaal Villa Somalia oo la jabsaday iyo Dukumiintiyo Sir ah oo laga xaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa xaqiijiyay in la jabsaday Xafiiska Hanti dhowraha ee ku dhex yaalla Dhismaha ay ku shaqeyso Wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Xafiiska Hanti dhowraha ee la jabsaday ayaa la sheegay in lagala baxay Dukumiinto Sir ah oo gaaraya 25 kuwaa oo ay ku qornaayen Baaritaanadii Musuqa ee ugu danbeeyay.

Dukumiintiyada lagala baxay Xafiiska Hanti dhowraha ayaa la xaqiijiyay inay ku jiraan Dukumiintiyo halis ku ah Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal ka hayay Dowladii dhacday ee Xasan Sheekh.

Xafiiska la jabsaday ayaa sidoo kale lagala baxay Laptopka Hanti dhowraha oo ay ku diiwaan gishnaayen dhammaan kiisaska dhul boobka iyo Musuqa cadeymaha loo helay.

Warar hoose oo aan helnay ayaa xaqiijinaaya in Jabsashada Xafiiska lagu tuhmaayo Shaqsiyaad ku sugan Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia kuwaa oo adeegsanaaya shaqsiyaad ku dhow dhow Hanti dhowraha, sida aan xogta ku helnay.

Kiiska baaritaanka Jabsiga Xafiiska Hanti dhowrka ayaa iminka waxaa la wareegay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia oo baareysa shaqsiyaadka lagu tuhmaayo falka.

Sidoo kale, Kiiskaani ayaa waxaa iminka loo qabtay qaar kamid ah Shaqaalaha iyo Hawlwadeenada ka hawlgala Dhismaha Wasaaaradda Maaliyadda, kuwaasi oo tuhunka ugu weyn ku fooraro.

Hanti dhowraha Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa tan iyo markii ay sii dhaceysay Dowladii Xasan Sheekh soo bandhigaayay Dukumiintiyo la xiriira boobka lagu hayo Hantida Qaran iyo dhulalka danta Guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com