Cadale (Caasimada Online) – Usbuucyo ka hor ayaa waxaa ka soo cusboonaaday dagaallo culus ee dhaliyay khasaarooyin nafeed iyo mid maal kuwaasoo ka dhacay tuulooyin hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe. Dagaaladaan oo u dhaxeeyay magac ahaan laba beelood oo wada daga Degmada Cadale yaa ka dhashay muranno la xiriira lahaansho dhuleed iyo deegaano kaasoo la sheego in uu yahay mid soo jiray 30 kii sano ee ugu danbeeysay.
24 tii bishii hore ayeey ahayd markii dagaal culus uu ka dhacay Tuulada Koogaar (Burdheere) ee hoos tagta Cadale taasoo la sheegay in ay weerar kaga yimid dhanka tuulada Xaaji Cali ee isla Cadale ka wada tirsan. Dagaal saacado socday ka dib, ayaa la sheegay in gabi ahaan la guabay tuulada Koogaar iyadoo Ceel biyoodkii deegaanka sidaaso kale dab la qabadsiiyay halka ay jiraan sida la soo wariyay Xoolo iskugu jiray Geel, Lo’ iyo Ari oo la dhacay oo aan tiradooda la hubin ilaa hadda. Guryaha Deegaanka ahaa ee la qabadsiiyay dabka ayaa lagu qayaasay ilaa 700 oo guri halka beero ka badan 65 dab lagu qabtay.
Marka ay soo adkaatay xaaladda deegaanadaasi ooa y u muuqatay in ay faraha ka sii baxayso , D/Goboleedka Hirshabeele ayaa u muuqday mid dhagaha ka fureestay in uu ka hortago colaadaasi iyadoo mas’uulyaddaasi ay noqotay mid isku tuur tuur gasha.
Waxaa soo xoogaysanaya warar isa soo tarayo ee sheegay in Madaxweyne Xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe uu mid ka mid ah labada garab ee dagaalamay uu taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid saanad hub iyo ciidanba siiyay gaar ahaan beesha Degta Tuulada Xaaji Cali. Guriga uu daganyahay Cali Guudlaawe ee ku yaala magaalada Joowhar ayaa ka hor dagaalka 48 saac waxaa lagu arkayay shaqsiyaad horjoogayaal ah ee ka soo jeeda tuulada Xaaji cali oo ku qulqulaya iyo baabuur nuucyada dheereeya ah oo lagu sheegay in ay saarnaayeen saanad badan uu hub ka buuxay ka dibna ay qabteen dhanka tuulada Xaaji Cali halkaaso subaxdii danbe laga qaaday dagaalka lagu qabsaday ka dibna lagu guabay gabi ahaanba tuulada Koogaar.
Dadka aad ugu dhuun duleela sababaha ka danbeeya dagaalkaani ayaa ku sheega laba arrin oo kala ah;
1.Mid siyaasadeed: Degamada Cadale ayaa wada daga beelo walaala ah balse awood qaybsiga siyaasadeed ayaa inta badan u dhaxeeya labada beelood ee hadda wada dagaalamay iyadoo taarikh ahaan sanadahii 1960 iyo 1964 tii taaso ah sagaalkii sano ee doowladii rayidka ay degmadaasi kuraasta xildhibaanimo ka soo gali jireen Cali Hagareey iyo Abuukaate Gabyooy/Kurutubo Qaad kuwaaso ka soo kala jeeda labada jifo ee dagaalantay. Dagaalkaan ayaa hadda waxaa ka muuqanaya isbahaysi cusub ee ka dhan ah tuulada Koogaar kaasi uu gadaal ka riixayo Cali Guudlaawe si jufada uu ka dhashay ay jaanis kuraaseed ka hesho Cadale sida leesla dhaxmarayo.
2.Mid Dhaqaale: Degamda Cadale ayaa leh kheyraad kala duwan gaar ahaan badda. Waxaa ku yaala Dekad macmal ah (Dekadda Malable) oo ay gumeestihii talyaaniga adeegsan jireen balse waxaa xusid mudan in dhulka ay ku taalo dakadaani ay xuduud ahaan dhacdo dhulka beesha Degta tuulada Koogaar ee hadda dagaalka ka dhacay. Damacaasi dhaqaale ayaa ah sababta labaad ee dagaalka isbahaysiyeed loogu qaaday Koogaar.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaho Farmaajo ayaa horay xilli uu furayay baarlamaanka cusub laba usbuuc ka hor ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socoda Degmada Cadale si deg degana loo kala dhaxgalo dadka dagaalamayo.
Waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay hor boodayaan duubabka dhaqanka ka soo jeedo deegaanadaasi kaasoo la doonayo in lagu wada hadlasiiyo labadii beelood ee dagaalamay balse ilo lagu kalsoo naan karo ee laga helaayo dhanka tuulada Koogaar ayaa sheegayo in ay jiraan shuruurda ad-adag oo ay garbkaasi la soo shir tagi doonaan kuwaasoo aan la ogayn sida ay uga soo bxii karaan duubabka dhaqanka ee garwadeenka ka noqon doono wadahadalada dib u hishiisiinta.
Wixii ka soo kordho xaaladaha degmada Cadale waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe.
Caasimada Online
Xafiiska Cadale
[email protected]