Feysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday Xasan iyo shaqsiyaadkii la shaqeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe, ayaa si qoto dheer uga hadlay ballanqaadyadii ay horay uga weecatay Dowladii Xasan Sheekh.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si ku tallogal ah uga weecday heshiisyo ay la gashay Maamulka Somaliland, kaasi oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiin ka socotay Labada dhinac.

Dowladii Xasan Sheekh, ayuu tilmaamay inay aheyd Dowladii ugu daneysiga badneyd ee soo martay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay dhankeeda ka adkeyn jirtay Heshiiska maadaama uusan Xasan Sheekh mudnaan siin.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ahaa nin ay ku weentahay beenta, isagoo intaa raaciyay inay khaldayeen shaqsiyaad ku dhow dhow oo ka shaqeynaayay burburka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku daray in dowladii hore ee Somalia ay sameysay qalad, maadaama Somaliland ay uga baxday labo heshiis oo ay la galeen, taasina ay aheyd, mid aanan wanaagsaneyn.

Wuxuu ku eedeeyay in uu ka baxay labo qodob oo uu la gaaray Somaliland, isagoo sheegay intaasi ay aheyd mid mas’uuliyad daro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in rajo uu ka qabo in Dowlada cusub ee Farmaajo ay Siyaasad ahaan ka duwanaato tii hore.

Farmaajo ayuu sheegay inuu ka rajeynaayo in ay saxdo qaladaadkii hore, si horey loogu sii socdo, loona amba qaado heshiiyadii hore.

Haddalka Feysal Cali ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay soo dhaweeyen Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay doorteen Xildhibaanada labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com