Xog: R/W Kheyre oo guul weyn ka gaaray magacaabista golihiisa wasiirada markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Xafiiska Ra’isulwasaraaha la socoto la tashiyo ku aadan golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray guushii ugu weyneyd ee magacaabista golaha wasiirada markii uu fasax iyo taagero ka helay dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa dhawaan laba shuruud hor dhigay beelaha inay kasoo fakaraan kadibna ay go’aan cad u keenaan, waxaana dhacday inay dhammaan beelaha ku qanceyn shuruudihii uu Ra’isulwasaare Kheyre hordhigay.

Labadaan shuruud ayaa kala ahaa inay beelaha keenaan liiska shaqsiyaadka ay rabaan in loo magacaabo wasiirada sidaasna uu Ra’isulwasaaraha kala dhex baxayo shaqsiga uu isaga u arko inay dan ugu jirto Soomaaliya.

Qodobka labaad oo uu Ra’isulwasaaraha ka codsaday beelaha Soomaaliyeed ayaa ahaa inay  markii uu Ra’isulwasaaraha doorto shaqsiga uu rabo ay ballan qaadaan inay ku qanci doonaan lana  shaqeyn doonaan.

Labadaas qodob oo ahaa kuwa aad u adag ayey markii dambe beelaha isku afgarteyn inay ogoladaan  waana tallaabo weyn oo Ra’isulwasaaraha u qaaday magacaabista golaha wasiirada oo ay markii hore hareysay is qabqabsi ka dhex jiray beelaha qaar taasoo keentay inay dib u dhacdo magacaabista.

Ra’isulwasaaraha ayaa beelaha la qaatay kulamo gaar gaar ah waxaana beel kasta matalayey xildhibanada ugu jiro Baarlamaanka laba aqal waxayna kulamadaas qaatay muddo asbuucyo ah, muranka ugu badana wuxuu ka jiray awood qeybsiga wasiirada ugu muhiimsan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xildhibaanada beel kasta ka codsanayay inay la yimaadaan musharixiin dhowr ah oo uu beel kasta ka xusho ama ay isaga u madax banneeyaan xulashada, kuna taageeraan ciddii uu soo magacaabo, arrintaas oo ahayd qodobka ugu adag ee uu kala hadlay xildhibaanada loo qaabilay qaabka beeleed.

Inta badan beelaha u loolamaya xilalka wasiirada ayaa Ra’iisal wasaaraha siiyay xoriyad uu ciddii uu doono ku magacaabi karo, laakiin waxay dalbadeen wasaaro muhiim ah iyo awood qeybsi ku dhisan rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com