Maxay ahaayeen boqolka qof ee maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho waxaa soo gaarayey dad Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyey wadamo ay qaxooti ahaan u joogeyn.

Haddaba waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad siday ku dhawaad boqol qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay wadanka Mareekanka.

Dadkaan ayaa la sheegay inuu ku xirnaayeen xabsiyo ku yaal dalka Mareekanka waxayna intooda badan ahaayeen dhallinyaro, waxayna guud ahaan gaarayaan dadka maanta Muqdisho la keenay Ilaa 96 qof oo Soomaali ah.

Midda yaabka badan ayaa aheyd inay intooda badneyd ku xirneyd katiinado waxaana lasoo mariyey Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Dhallinyaradaan maanta Muqdisho soo gaartay ayaa la sheegay inu dhibaato ku heysatay xabsiyada dalka Mareekanka waxayna qaarkood oo la hadlay saxaafadda sheegeyn inay aad ugu farxeyn markii ay arkeyn Magaalada Muqdisho iyo dalkooda hooyo.

Dadkaan lasoo tarxiilay ayaa u badnaa kuwa aan heysan sharci iyo kuwa halkaas ka geystay falal dambiyo ah waxayna sidaas ku muteysteen xabsi muddo ah inkastoo markii dambe amar kasoo baxay dowladda Mareekanka lagu soo saaray in wadankooda dib loogu celiyo taasoo ay qaarkood u arkeyn inay tahay tallaabo dan weyn ugu jirto.

Tan iyo markii uu Trump la wareegay talada dalka Mareekanka waxaa culeys weyn soo fuulay dadka kasoo jeedo wadamada Islaamka oo ay kamid tahay Soomaaliya, wuxuuna madaxweynaha dhawaan soo saaray amar cusub oo uu dalkiisa uga mamnuucay ilaa 6 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com