Khilaafka BBC iyo Somaliland oo meel xun maraya iyo madaxii laanta afka Soomaaliga oo Hargeysa ka dagtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ay caasimadda Online ka heleyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegayo inay halkaas gaartay madaxiii ugu sarreeyey BBC laanteeda afka Soomaaliga iyo sawaaxiliga haweeneyda lagu magacaabo Caroline Karubi kadib markii uu cirka isku shareeyey khilaafka ka dhaxeeyo BBC iyo Maamulka Somaliland.

Wafdigaan ka socdo BBC ayaa Hargeysa u tagay sidii loo xallin lahaa cabashada ka timaaday maamulka Somaliland oo ku aadan inaysan BBC dhex dhexaad ka aheyn siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya taasina ay keeni karto in BBC laga mamnuuco meelaha ay ka arrimiso Somaliland.

Somaliland ayaa BBC ku eedeysay inaysan ula dhaqmin sida maamulada kale oo kale taasna ay muujineyso cadaawadda ay BBC uu heyso Somaliland, waxayna ku hanjabtay inay xayiraad kusoo rogi doonto haddii aan wax laga qaban cabashadooda.

Wafdigaan oo ka kooban 3 Mas’uul ayaa lagu wadaa inay maamulka Somaliland ka qanciyaan cabashada ay soo jeediyeen waxayna kulamo la qaadan doonaan wasiirada warfaafinta Somaliland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda BBC-da ee gaartay Hargeysa iyo Wasiirka Warfaafinta ay kulan ku leeyihiin Xafiiska Wasiirka, waxaana la sheegayaa in Mas’uuliyiinta BBC-da ay raalli gelin ka bixiyeen waxyaabaha ay ka tabanayaan shaqaalaha BBC-da.

Cismaan Saxardiid Caddaani oo ah wasiirka Warfaafinta Somalialnd ayaa dhawaan BBC qeybteeda afka Soomaaliga ku eedeeyey inaysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Somaliland markasta ay qadka soo geliyaan dad kasoo horjeedo siyaasadeeda.

Sanadkii 1991 ayey aheyd markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni ug go’aday Soomaaliya inteeda kale, welina ma aysan helin wax aqoonsi ah oo ku aadan gooni isku taageeda, waxayna BBC ku eedeysay inaysan dowladda ugu yeerin oo ay maamul ugu yeeraan taasina ay muujineyso inay kasoo horjeedo go’aankeeda ah inay ka go’day Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com