Xog: Farmaajo oo go’aan cad oo ku saabsan wasiirada usoo jeediyey Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maalmihii ugu dambeysay waxaa badatay khilaafka ku aadan qaabka loo qeybinayo golaha wasiirada iyadoo beelaha qaar ay dalbadeyn in la siiyo wasiiro cayiman oo ay iyaga dooq deyn.

Haddaba xogta hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo go’aan cad siisay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo ku aadan qaabka loo qeybinayo golaha wasiirada cusub.

Madaxweynaha ayaa Ra’isulwasaaraha u sheegay inuu waqti ku socdo sidoo kalana aysan macquul aheyn in intaan ka badan golaha wasiirada la sugo wuxuuna ku amray inuu soo gabagabeeyo la tashiyada beelaha maadaama ay weli qaar ka tirsan beelaha ku qanci la’yihiin qaab qeybsiga.

Madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa inuu sheegay inaan loo xayirnaan karin beelaha qaar lagana rabo inay ku qancaan qaabka ay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha usoo xulaan wasiirada isla markaasna ay beelaha ugu qeybiyaan.

Madaxweynaha ayaa Kheyre u sheegay inaysan wasiirada ugu muhiimsan u qeybsami karin dhammaan beelaha taasina ay markasta ka dhigan tahay inay taagnaan doonto cabashada qaar kamid ah beelaha.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku wareeray codsiyada kala duwan ee soo gaarayo Xafiiskiisa taaso ka imaaneyso beelaha Soomaaliya waxayna midaas keentay in asbuucaan dhamaadka ah uu dib u dhacdo magacaabista Golaha wasiirada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayey in Beesha xawaadle ay dalbadeyn in la siiyo wasiirka Arrimaha gudaha waxayna garab ka heleysaa ugaaskooda Ugaas Xasan waana midda ugu weyn ee keentay dib u dhaca.

Waxaan laga war sugayaa go’aanka uu qaato Ra’isulwasaaraha iyo sida uu u garto inuu usoo xulo golihiisa wasiirada oo ay isha ku hayaan beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com