Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Dowladu ay la imaan doonto Golo Wasiiro aan isbedeli doonin mudada ay shaqeyneyso Dowladiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka daahista Golaha uu yahay mid looga feejigan yahay eed kaga imaada dhanka Shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo waxa uu tilmaamay in Golaha la magacaabi doono ay lahaan doonaan awoodo ka duwan kuwii hore, waxa uuna carab dhabay in gabi ahaan ay lahaan doonaan darajo cilmi.
Waxa uu sheegay in Wasiirada cusub laga soo dhex saari doono Aqoonyahaanada leh darajada cilmi, waxa uuna shaaca ka qaaday inay noqon doonaan kuwo heysta dhaqaale isla markaana ka maarma Hantida Qaranka.
”Waxa uu ujeedku yahay ka fogaanshiyaha eedeymo nooga imaada dhanka Bulshada, waxaan doorbideynaa inaan la daahno magacaabida si aan ula imaano Gole aan nalagu dhaliileynin”
Farmaajo waxa uu cadeeyay in Dowladiisu aysan ahmiyad u arag in wakhti gaara la magacaabo Golaha, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay in ahmiyada koowaad ay siinayaan ka fiirsashada cida ay xilka u magacaabayaan.
Tallaabadaani ayaa imaaneysa xili inta badan Shacabka ay wax iska weydiinayaan dib u dhacyada ku imaanaya magacaabida Golaha Wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]