25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Exclusive: Farmaajo iyo Kheyre oo heshiis 20% la galay shirkadda SHS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa heshiis la gaaray shirkadda qaliin-shubatada shacabka ka dhoofaya garoonka Muqdisho ee Sahal Hospitality Service (SHS), sida aan ku ogaanay baaritaan ay sameysay Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa waxaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku qaadan doonaan 20% daqliga soo galay shirkadda, waxaana taa beddelkeed loo ogolaaday inay sii wadaan adeegga ay ka qabtaan garoonka Muqdisho ee lacagta looga qaado shacabka ka dhoofaya garoonka.

Shirkaddan ayaa waxaa lahaanshaheeda ku magacaaban nin la yiraahdo Jabriil Maxamuud, hase yeeshee waxaa wax ka leh rag ka tirsan kooxdii Damu-jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana xilal sare ka hayey dowladdii dhacday.

Waxay terminal ama hool weyn ku leedahay agagaarka KM4, halkaasi oo dadka dhoofaya ay ku baaraan saraakiil ka tirsan nabad-sugidda, kadibna basas waaweyn lagu geeyo garoonka, ayaga oo aan marin wax baaritaan kale ah.

Waxay dadka garoonka Muqdisho ka dhoofaya iyo kuwa soo degaya ka qaadaa lacag ka baxsan ticket-ka oo u dhaxeysa 6 illaa 11 dollar. Qofka gudaha ka dhoofaya, waxay ka qaaadaa $6 (Lix Dollar), halka qofka sita Ticket dibadda ah laga qaadayo $11 (kow iyo toban dollar).

Lacagtan ayaa u muuqan karta mid yar hase yeeshee, marka la eego lacagaha tirada badan ee siyaabaha kala duwan looga qaado dadka ka dhoofaya garoonka Muqdisho, waa culees aad u weyn oo shacabka saaran, balse faa’iido badan u ah shirkaddan.

Ugu yaraan haddaan kasoo qaadno kaliya in dadka ka dhoofa iyo kuwa kasoo dega Muqdisho ay bishii yihiin kaliya boqol kun qof, waxay taas macnaheedu yahay in shirkadda bil walba hesho lacag ku dhow hal milya oo dollar.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii ay soo shaac baxday in dowladda cusub ay qorsheyneyso inay ka wareejiso shirkadda adeegyada ay ka qabato garoonka, waxaana lagu gaaray kulan dhex maray ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda shirkadda, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si shaqsiyan ah ay isugu dhow yihiin qaar ka mid ah madaxda shirkaddan, maadaama uu saaxiibo badan ku leeyahay kooxda Damu-Jadiid.

Warar kale ayaa sheegaya in terminal-ka cusub ee shirkaddan oo aan weli si rasmi ah loo furin laga yaabo inuu furo madaxweyne Farmaajo, ama ra’iisul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News