Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa casuumaad u fidisay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana lagu wadaa in Farmaajo uu magaalada Nairobi gaaro maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heyso.
Madaxweynaha Somalia ayaa magaalada Nairobi ku qaadan doona shir khaas ah oo uu la qaadan doono Madaxda dalka Kenya, ka hor inta uusan furmin Shirka Urur gobaleedka IGAD ee furmi doona maalinta Sabtida ee soo socota.
Manoah Esispisu oo ah Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia iyo Kenya shirkooda khaaska ah uga wadahadli doonaan arrimaha amaanka iyo Siyaasada.
Shirka Urur gobaleedka IGAD ee furmi doona maalinta Sabtida ee soo socota, ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Qaxootiga Somalia iyo Ammaanka Gobalka, waxaana marti galisay Dowlada Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa maalinimadii shalay booqasho aan la shaacin ku imaaday dalka Somalia, gaar ahaan magaalada Dhoobley, mana jirto raali galin Safarkaasi ay Dowlada Kenya ka bixisay maadaama Safarkaasi uu ahaa mid xad gudub ku ah Somalia.
Dowlada Kenya oo aan wali raali galin ka bixin Safarka Kenyatta ee magaalada Dhoobley, ayaa ku rajo weyn inay la kulanto Madaxweynaha Somalia, waxaana la rumeysan yahay in tallaabadaasi ay ka weecaneyso Diplumaasiyada.
Madaxtooyada Kenya ayaa waxa ay Socdaalka Madaxweynaha Kenya ee Dhooble ku tilmaantay wax caadi ah oo aan xasaasiyad Diplomaasiyadeed lahayn.
Dowlada Somalia ayaan dib u milicsan quursi Siyaasadeedka ay kala kulmeyso Dowladaha Kenya iyo Ethiopia waxa ayna talaabada Kenyatta ee Dhooble sababi kartaa Dacwad heer caalami ah.
Tallaabada ugu xun ee ka dhalan laheyd Socdaalka Uhurro Kenyatta ee magaalada Dhooble ayaa ah in DFS ay sumcad darro kala kulmi laheyd haddii la weerari lahaa deegaanka uu ku sugnaa Madaxweyne Kenyatta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]