Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga Daljir ayaa kaalin mug leh ka qaatay Guusha Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka gaaray Doorashadii 8 Feb, 2017 ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaadyo kala duwan u sameeyay Xildhibaanada Daljir, isagoo la sheegay inuu ka dhigi doono Xubno kamid ah Golaha Wasiirada waxaana iminka soo baxaaya in Farmaajo iyo Xildhibaanada ay ku kala fogaaden Siyaasada.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa tan iyo markii uu magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre u gaabiyay Xildhibaanada Daljir, kadib markii uu soo saaray qorsho Xildhibaanada looga ilaalinaayo kamid noqoshada Golaha Wasiirada.
Xildhibaanada uu ballanqaadka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Fiqi iyo Xasan Macalin, waxa uuna Xildhibaan Xasan ku haya magacaabida Ra’isul wasaare Kheyre, halka Axmed Fiqi isna laga jartay xiriirka dhow ee kala dhexeeyay Farmaajo.
Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa loo ballanqaaday Wasaarada Amniga Qaranka, waxaana saacadihii ugu danbeeyay soo baxaayay in Wasaaradaasi loo dhiibi doono Siyaasi kale, kadib markii Xildhibaanada Beesha Habar-Gidir ay isku qabteen Wasaaradaasi.
Waxaa meel cidla ah kusoo dhacay Xildhibaano kale oo ka tirsan Xisbiga Daljir oo iyaguna si dhow ula shaqeeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana lasoo warinayaa in Madaxweynaha uu u deyriyay Xildhibaanada kale.
Xildhibaanada Daljir oo kullamo kala duwan ku qaadanaaya magaalada Muqdisho ayay ku dhaliileen Siyaasada Madaxweyne Farmaajo kadib markii uu ka dhabeyn waayay ballanqaadyadii dhexmaray.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fiirsanaaya ka jawaabida ballanqaadka uu u sameeyay Xildhibaanada BFS ee kalsoonida buuxda siiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]