Xog: Madoobe iyo Gaas oo isku heysta hal wasaarad oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow Xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegaya in Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/wali Gaas ay isku heystaan Hal wasaarad oo muhiim ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia, Halka Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas uu isna Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday in Puntland lasiiyo Wasaarada Maaliyada.

Jubbaland ayaa la sheegay in loo soo bandhigay Wasaarada Gaashandhiga waxaana la xaqiijiyay Hoggaamiyaha maamulkaasi uu ka biya diiday in Sanadkaani lasiiyo Wasaarada Gaashandhiga waxa uuna taa bedelkeeda dalbaday in Jubbaland lagu abaalmariyo Wasaarada Maaliyada.

Jubbaland waxa ay si cad u qaadacday go’aanka uu Madaxweynaha kusiinaayo Wasaarada Maaliyada oo inta badan lasiiyo Beelaha kasoo Jeeda Jubbaland, waxa uuna Hoggaamiyaha maamulkaasi ku doodayaa in la cadeeyo sharciga dhigaaya in Jubbaland lagu abaalmariyo Wasaarada Gaashandhiga.

Sidoo kale, Puntland waxa ay ka biya diiday in lasiiyo Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka waxa ayna ku adkeysaneysaa in lasiiyo Wasaarada Maaliyada, waxa uuna Hoggaamiyaha Puntland C/wali Gaas Madaxweynaha ku wargaliyay in Puntland aysan qaadan doonin Wasaarad aan aheyn Maaliyadda.

Madaxweynaha Somalia ayaa wali wada wadahadalka lagu qancinaayo Maamulada Jubbaland iyo Puntland waxaana Farmaajo looga fadhiyaa in go’aan uu ka qaato muranka labada maamul Goboleed ee Wasaarada Maaliyadda.

Lama oga waxa uu noqon doono Go’aanka Madaxweynaha waxaase soo baxaaya warar sheegaya in labada maamul uu kala saaray Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com