Muqdisho oo iib ah: Maamulka gobolka oo xaraashay suuq aad u weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhulalka Dowlada ee lagu kala iibsanaayo magaalada Muqdisho kadib markii ay meesha ka baxday Dowladii isha ku heyn jiray dhulalka Dowlada.

Dhulalka ugu badan ee dowlada ayaa waxaa iibsanaaya Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaa oo ka faa’iideysanaaya isbedelka Dowladii hore ee Xasan Sheekh iyo Dowlada cusub ee uu Hoggaaminaayo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhulalka gudaha Asbuucaani la iibsaday ayaa waxaa kamid ah dhulka weyn ee uu ku fadhiyo Suuqa Cali Boolaay oo ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Heshiiska lagu kala iibsaday dhulka uu ku fadhiyo Suuqa kadib ayaa waxaa la burburiyay dhammaan sandaqadihii ku yiilay Suuqa iyo Goobaha lagu iibinaayay qudaarta iyadoo burburintaasi ay ku dhaqaaqeen Shaqaalaha Dowlada Hoose oo amar ka heysta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale ”Boorsaani”.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in dhulkaasi laga iibsaday C/llaahi Macalin Nuur oo uu dhalay Wadaadka ”Macalin Nuur Maxamed Siyaad”.

Suuqii Cali Boolaay oo ah Suuq qadiimi ah ayaa waxaa dhisay Dowladii uu Hoggaaminaayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana dib u dayactiray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), halka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale uu isna ka iibsaday gabi ahaan Suuqa.

Qorshaha iibsade C/llaahi Macalin Nuur ayaa ah in dhulkaasi uu ka dhiso garoomo Isboorti oo lagu ganacsado, waxa ayna tallaabadaani qeyb ka noqoneysaa qorshaha lagu iibinaayo dhulal farabadan oo iminka liiska ugu jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Odayaasha deegaanka ayaa durba cabasho ka keenay iibinta dhulka uu ku fadhiyo Suuqa Cali Boolaay, waxa ayna sheegen in cadeymo muuqda ay u hayaan in Cali Boolaay uu yahay dhul Dowladeed.

Dhinaca kale, waxaa jira dhulal aad u faraban uu Maamulka Gobolka Banaadir ka iibiyay Ganacsato iyo Siyaasiyiin, waxaana muuqaneysa in Dhulalka danta guud la xaraashayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com