Wasiiro tiro badan Somalia kuam koobna, arag inta wasiir ee Ghana looga dhawaaqay

Accra (Caasimadda Online) – Waxaa lagu arkay Africa arrin mar kasta lagu eedeyn jiray Soomaaliya ee aheyd inay leedahay wasiiro aad u badan, balse hadda waxaa soo baxay wadan iskoorka ka jabiyey Soomaaliya.

Nana Akufo-Addo oo ah Madaxweynaha dowladda  Ghana ayaa ka yaabsaday madaxda dowladaha Africa markii uu ku dhawaaqay wasiirada ugu badnaa ebed ee lagu arko wadamada Africa.

Nana ayaa ku dhawaaqay wasiiro gaarayo ilaa 56 wasiir, 50 wasiir ku xigeen iyo sida kale 4 wasiir oo madaxtooyada ah.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweynaha Ghana ayaa taariikh ka gashay adduunka waxayna noqotay tiradii ugu badneed ebed ee loogu dhawaaqo Africa, wuxuuna ku tilmaamay wasiirada uu magacaabay inay dhammaantood yihiin kuwa muhiim ah oo aan laga maarmeyn.

Dhamaan wasiirada uu magacaabay ayaa ka tirsan baarlamaaanka wadankaas  , waxaana Madaxweyne Nana Akufo-Addo uu sheegay inay tani wax ka qaban doono shaqo la’aanta dalkaas ka jirta .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com