Kulankii BF ee maanta oo u baaqday hal arrin oo yaab leh!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta baaqday Kulan ay yeelan lahaayeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhici lahaa xaruntiisa Muqdisho, waxaan sabab u ahaa arrin yaab leh.

Kulankaan ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano aad u yar waxaana suurta geli weysay inuu buuxsamo kooramka, kadib markii Xildhibaanada intoo badan la sheegay inay u baaqdeen arrin ku aadan magacaabista golaha wasiirada.

Xildhibaanada intoo badan ayaa la sheegay inay raadiyaan wasiiro halka qaarkoodna ay dadaal ugu jiraan sidii ay shaqsiyaad kale xil ugu heli lahaayeen.

XIldhibaanada maanta ka baaqday kulanka Baarlamaanka ayaa la sheegay inay ku mashquulsan yihiin arrimo ku saabsan wasiirada la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa lasoo sheegayaa in xafiiska Ra’isulwasaaraha ay buux dhaafiyeen tiro badan oo ka tirsan XIldhibaanada Soomaaliya waxayna xusul duub weyn ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen wasiir ama ay shaqsiyaad kale ugu heli lahaayeen.

Markii qaar yar oo ka tirsan Xildhibaanada ay soo xaadireyn ayaa loo sheegay inuusan kulanka furmi karin maadaama uusan buuxsamin kooramka sidaa darteedna loo sheegay inay iska laabtaan oo uu kulankii baaqday.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ballan qaaday inaysan golaha wasiirada kasoo muuqan doonin xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay adkaan doonto in hadhaw lala xisaabtamo.

Balse hadda waxaa muuqato in wasiirada ay kasoo muuqan doono qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo shaqsiyaad horey xilal uga soo qabtay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com