Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirada iyadoo ay xaadir ku yihiin Villa Soomaaliya dhammaan saxaafadda oo saakay lopo yeeray.
Haddaba Caasimadda Online ayaa si xaqiiq ah u ogaatay inuu Cabdi Faarax Saciid Juxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Ninkaan ayaa kasoo jeedo Beesha Majeerteen , gaar ahaan Ciise Maxamuud, waxaana markii horeba loo saadaalinayey xilkaan inuu qaban doono, isagoo kamid ahaa liiskii hordhaca ahaa ee aan dhawan idinla wadaagnay.
Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay inuu wasiirka Dastuurka noqday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo kasoo jeedo Beesha Leelkse .
Wasiirada aan idiin soo gudbinay dhammaan waa kuwa lagu kalsoon yahay, waxaana si rasmi ah xaqiiqdooda uga helnay Xafiiska Ra’isulwasaaraha.
Weli waxaa socoto qaban qaabada loogu dhawaaqyao wasiirada, waxaan idiin soo gudbin doonaa hadba xaqiiqda aan ka helno xafiiska Ra’isulwasaaraha.
Sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doona liiska wasiirada isla marka lagu dhawaaqo, isla markaasna waxaan idinlkugu soo dari doonaa qabiilada ay kaso kala jeedaan.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]