Xog: Axmed Fiqi oo qabta Galmudug maxay uga dhigan tahay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaan Axmed Fiqi uu ku biiray Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee maamulka Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qorshaha Fiqi uu yahay in la kala jaro DFS iyo Galmudug, haddii uu kusoo baxo Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo magaaladda Cadaado.

Axmed Fiqi ayaa Doorashadaasi uga qeybqaadan doono sababo la xiriira dagaalka kala dhexeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo waxa uuna qorshihiisa ugu weyn yahay in Galmudug ay banaanka ka istaagto Dowlada Somalia, waa haddii uu ku guuleysto xilka.

Axmed Fiqi ayaa doonaaya in Maamulka Galmudug uu si gaara uga faquuqo Dowlada Somalia, iyadoo uu qorshuhu yahay ka aargoosiga Madaxweynaha Somalia, waxaana muuqaneysa in Fiqi uu doonaayo in Galmudug ay mucaarad ku noqoto Dowlada uu Hogaaminaayo Farmaajo.

Fiqi ayaa kamid ahaa Xildhibaanada soo saaray Madaxweyne Farmaajo, waxaana lasoo warinayaa in Farmaajo uu ugu deeqay Codadka ilaa 50 Xildhibaan.

Farmaajo ayaa Doorashada kadib ballanka uga baxay Fiqi iyo guruubkiisa Xildhibaanada ahaa, waxa ayna taa sababtay in Fiqi uu u jiheysto dhanka Galmudug si uu uga aarguto Farmaajo.

Haddii uu Fiqi ku guuleysto Doorashadaasi ayaa waxaa meesha ka baxaaya xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Fiqi, waxa ayna Galmugug ku sifoobi doontaa Maamul Mucaarad ku ah DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com