25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Yuusuf Boorsaani oo ka hadlay wararka la xiriira xil ka qaadistiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalmahaan soo baxayay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ka hadlay qorshaha socdo oo ah xilka qaadistiisa iyo xiriirkii kala dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Yuusuf, wuxuu sheegay in xilka looga qaado Xasan SHeikh ayuu la shaqeeyay inay tahay wax aanan soconeyn, sida uu sheegay uu wax muuqdo ka qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay ineysan jirin cabsi uu qabo oo ku aadan in xilka laga qaadayo, isagoo cadeeyay inuu isku qabo kalsooni buuxdo ah oo ah inuu sii shaqeyn doono.

“Illaa iminka wax cabsi ah ma qabo, waan isku kalsoonahay waxaan aaminsanahay in aan sii shaqeyn doono.” Ayuu yiri Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wuxuu dhinaca kale ka hadlay hadalada ku aadan inuu si dhow ula shaqeeyay Xasan Sheikh maxamuud , madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

“Xasan Sheekh uu la shaqeynaayay haddii wax lagu weynaayo ama xilka la isaga qaadaayo waa wax kale, Laba awoodoood haddii la isugu geeyo Gobolka Banaadir waa ay isburinayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu hadalkan jeediyay kadib markii uu la hadlay Tv-ga  Gobjoog.

Waxaa ka muuqatay kalsooni isago ku faanayay waddooyinkii badnaa ee uu ku dhisay barnaamijka hal doolar dalkaada ku dhiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News