Ciidamada Amisom oo dilay haweeney 82 jir ah iyo gabar indhaha la’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM inay dileen haweeney da’ ah oo ku sugneyd duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Faadumo C/raxmaan Guulwade oo kamid ah baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM duleedka degmada Baraawe ku dileen haweeney iyo gabar indha la’ayd, sida ay sheegtay.

Haweeneyda ayaa ciidamada AMISOM waxya ku dileen deegaanka Fitadheer oo ku yaala duleedka Baraawe, waxaana da’deeda lagu sheegay 82 sano jir.

Xildhibaan Faadumo, ayaa sheegtay in ciidamada sidoo kale ay dileen gabar 22 sano jir aheyd oo indho la’aan aheyd, sida ay hadalka u dhigtay.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada AMISOM waddada qarax loo dhigay balse ay ka badbaadeen, iyaga oo ku leexday deegaanka Fitadheer oo waxyeelada ay ka geysteen.

Ciidamada ayaa ka tagay magaalada Muqdisho waxayna ku wajahnaayeen deegaanka Ambareeso ee duleedka degmada Baraawe, sida xildhibaanada u sheegtay warbaahinta Muqdisho.

Taliska AMISOM ayaanan wali wax war ah kasoo saarin eedeynta kasoo yeertay xildhibaan Faadumo, balse ciidamada AMISOM ayaa marar badan dhibaatooyin ka geystay gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com