Hal arrin oo Kheyre iyo Farmaajo u fududeyn doonto inay gacanta ku dhigaan Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa jiro Khilaf ku aadan xilliga ay doorashada Galmudug dhici doonto, waxaana la ogyahay inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ka codsaday Baarlamaanka Galmudug inay dib u dhigaan Doorashada muddo 45 Cisho.

Guddiga Doorashada iyo Baarlamaanka ayaa ku gacan seyray codsiga Ra’isulwasaaraha waxayna ka dhawaajiyeen inay qaban doonaa doorashada 10 Bishaan.

Haddaba waxaa jirto hal arrin oo Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre u fududeyn doonto inay xal rasmi ah ka gaaraan arrinta Doorashada Galmudug isla markaasna ay halkaas u dhiibaan shaqsi taageersan iyaga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah shaqsi ay beeshiisa qeyb ku leedahay hab qeybsiga Maamulka Goboleedka Galmudug, isla markaasna waxay hadda ka yihiin Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, midaasna waxay fududeyn kartaa inuu madaxwyenaha la falgalo Baarlamaanka iyo madaxda Galmudug isagoo u marayo Beeshiisa si loola fadhiisto beelaha kale.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isna wuxuu kasoo jeedaa deegaanada Galmudug, isla markaasna waxay beeshiisa heystaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug,  midaas waxay u fududeyn doontaa Dowladda inay halkaas geysato shaqsi ku shaqeenayo ra’yigooda.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo kaashanayo awoodda ay ku leeyihiin Galmudug ayaa la filayaa inay xoogga saaraan sidii Galmudug loogu dhisi lahaa dowlad loo dhan yahay oo ay ku jirto Ahlu Sunna sidoo kalana ku shaqeyso rabitaanka Dowladda.

Wasiiro ka socdo Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ah yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa ayaa Maanta booqan doono Magaalada Cadaado, wuxuuna ka qeyb qaadan doonaa Doorashada halkaas ka dhici doonto iyo sidi loo xallin lahaa arrinta ku aadan waqtiga Doorashada.

Wafidgaan heerka wasiir ayaa la rajeenayaa inay halkaas wadahadal kula yeeshaan Madaxda Galmudug iyo Xildhibaanada.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com