Xog-warran: Tirada ciidamada Imaaraadka ee Berbera la geenayo oo la ogaaday

Berbera (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Heshiis wada saxiixday Maamulka Somaliland  iyo dowladda Imaaraadka Carabtay kaasoo la isku afgartay inay Imaaraadka Saldhig Militari ka sameysato Magaalada Berbera oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa heshiiskaas lagu sheegay inay Imaaraadka Maamulka Somailand ka caawin doonto mashaariic laga fulanayo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey arrimo badan oo xagga horumarka ah.

Haddaba Caasimadda Online ayaa si hoose u ogaatay tirada Ciidamada Imaaraadka ee la geyn doono saldhigga Militari ee laga furi doono Magaalada Berbera oo sida qorshuhu yahay laga duqeyn doono dagaalyahanada Xuutiyiinta ee Yeman ka dagaalamo.

Dowladda Imaaraadka ayaa halkaas geyn doono ilaa 300 askari oo ka tirdan Ciidamadeeda Militariga ee sida gaarka ah u tababaran, sidoo kalana waxaa halkaas la geyn doono Diyaarado Dagaal iyo Gantaalada rida dheer.

Saldhiggaas ayaa noqon doono mid ay dhibaato weyn kasoo gaarto Soomaaliya, maadaama ay Xuutiyiinta Yeman ka dhawaajiyeen inay iyaga so duqeyn doonaa Saldhigga Bebera, sidoo kalana ay dhibaato xoog ka leh ka geysan doonaan gudaha Soomaaliya.

Xuutiyiinta ayaa ka dhawaajiyey dhawaan inay heystaan Gantaalo awood u leh inay si rasmi ah u gaaraan  Berbera, waxayna tusaale usoo qaateyn inay gantaalahaas ku duqeeyaan garoonka diyaaradaha Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo inay Imaaraadka Bebera geyn doonto ciidamo hordhac u ah saldhigaas bishaan hadda aan ku jirno ee April.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com