Shariif Xasan oo BF ka dhex sameystay koox xildhibaano ah oo hal qorshe wada

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kala furfuraayo Xildhibaanada BFS garabka Jawaari ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan uu adeegsanaayo Xildhibaano ka tirsan BFS, kuwaa oo la sheegay inuu isaga soo saaray, iyadoo ujeedka uu yahay in kalsoonida ka dhexeeyso Jawaari iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada KG la burburiyo.

Mid kamid ah Xildhibaanada garabka u ah Shariif Xasan ayaa sheegay in Jawaari uu isku xirtay Xildhibaano farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaa oo uu sheegay inay yihiin Koox mar waliba u taagan la safashada Jawaari.

Xildhibaankaani oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa sababo la xiriira amniga, ayaa sheegay in Ujeedka ugu weyn uu yahay in Jawaari uu Xildhibaanadaasi u adeegsado burburinta howlaha uu isaga kasoo horjeedo, waxa uuna intaa raaciyay in Xildhibaanadaasi la dhisay maalmo un ka hor inta aan la ansixin Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Waxa uu intaa raaciyay inaanu suuragal aheyn in Baarlamaanka laga dhex dhiso Kooxo isku xiran isagoo talaabada noocaasi ah ku sheegay mid lagu waxyeeleynaayo Qaranka.

Warar hoose ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu si hoose u sameystay Guddi ka kooban 6 Xildhibaan kuwaa oo ka shaqeynaaya kala furfurida Xildhibaanada ku xiran Jawaari ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa sii xoogeystay kadib markii Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu laalay Xubno uu watay Jawaari kuwaa oo lagu bedelay kuwo kale oo uu la imaaday Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com