Xog: Ma dhab baa in la diyaariyay warqadii xilka looga qaadi lahaa Boorsaani?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la diyaariyay warqada lagu bedeli lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimaacale ”Boorsaani”.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in warqadaasi lala diyaariyay warqad kale oo lagu magacaabayo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir oo isna la sheegay inuu saameyn doono isbedelka.

Warqada lagu bedeli lahaa Guddoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inaan wali loo gudbin Guddoomiye Boorsaani, balse ay iminka tahay mid ku diyaarsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha, halka nuqulka kale loo gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Waxaan la xaqiijin karin xiliga ay warqadaasi gaari doonto Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Boorsaane, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Warqadaasi lala baahin doono Warqado kale oo lagu magacaabayo xilal dhowr ah.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa Maalmihii ugu danbeeyay hadal hayay xil ka qaadis lagu sameynaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana xilkaasi loo magacaabi doono shaqsi kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku guda jira xil ka qaadis iyo magacaabid, waxaana xusid mudan inay mareyso bilow isla markaana la magacaabi doono xilal dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com