Galmudug oo ka dhawaajisay hadal sii fogeyn kara Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qoraalkii dhawaan kasoo baxay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo ku aadanaa in dib loo dhigo doorashada Galmudug, islamarkaana heshiis lala galo Ahlu sunna.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali  oo saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka heshiis lala gala Ahlu sunna.

Laakiin wuxuu ka dhawaajiyay hadal sii fogeyn kara Ahlu sunna kaasi oo ah in wadahadalka iyo heshiiskaba lala galayo Ahlu sunna marka ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Laakiin Ahlu sunna ayaa dooneysa inay qeyb ka noqdaan maamulka cusub ee Galmudug, waxayna qasbi doontaa ka hor doorashada haddii aan lala hadlin inay sii fogaadaan oo ay ku dhaganaadaan mowqifkoodii hore.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay tahay maamul goboleed la aqoonsan yahay ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay uga digayaan in ay soo fara geliso, laakiin wuxuu u sheegay madaxda Ahlu sunna iney isku soo sharaxi karaan xilka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa horey Baarlamaanka Maamulka Galmudug uga dalbaday in Doorashada dib loo dhigo mudo 45 maalmood, si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah, inkastoo arrintaasi Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com