26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Farmaajo oo maareeyeyaal cusub u magacaabay dekedda iyo garoonka Muqdisho + Magacyada iyo beelaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maareeyeyaal cusub u magacaabay garoonka caalamiga ah iyo dekedda magaalada Muqdisho oo ah labada il-dhaqaale ee dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha dekedda waxaa loo magacaabay Axmed Washington, halka maareeyaha garoonka Muqdisho laga dhigay Yuusuf Jaalle.

Labada mas’uul ee la magacaabay ayaa saaxiibo dhow la ah madaxweynaha. Axmed Washington iyo madaxweynaha ayaa saxiibo ahaa muddo ka badan 30 sano, halka Yuusuf Jaalle uu ahaa madaxii ololaha doorashada madaxweynaha.

Axmed Washington iyo Yuusuf Jaalle, ayaa sidoo kale kasoo jeeda beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal, oo ah beesha ugu badan Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe.

Axmed Washington waxa uu kasoo jeedaa beesha Mataan Cabdulle, halka Yuusuf Jaalle uu kasoo jeedo beesha Maxamed Muuse. Labadan beel oo ka tirsan beelweynta Galmaax.

Magacaabistooda ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay beesha Galmaax Yoonis ka qeylineysay in dowladda ay duudsiisay xaqooda.

Beeshan ayaa dooneysay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir oo loo magacaabay Taabit Cabdi oo beesha Waceysle kasoo jeeda.

Ilo ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabista xubnaha beesha Galmaax ay qeyb ka tahay dadaal lagu qancinayo beeshan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News