25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Haweeneyda ugu da’da weyn dunida, kana hartay qarnigii 19-aad oo geeriyootay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Roma (Caasimada Onlne) – Emma Morano ayaa geeriyootay xili ay da’deeda ahayd 117-sano waxayna geeriyootay maalinimadii Sabtiga sida ay saxaafada Talyaaniga sheegtay.

Waxaa la isku raacay Emma Morano inay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee dhashay qarnigii 19-aad sidoo kalena waxayn geeriyootay ayadoo 117-sano jirto waxayna saxaafada Talyaaniga ugu aqoonsadeen haweeneyda ugu da’da weyn ee caalamka inta la ogsoon yahay.

Emma Morano oo ku nooleyd Waqooyiga Talyaaniga waxay dhalatay 29-kii November 1899, waxayna nolosheeda cimri ahaan soo joogtay sedex qarni, labo dagaal aduun iyo 90-dowladood oo Talyaaniga soo mareen!!

Dr. Carlo Bava ayaa u sheegay shabakada The Associated Pres in Emma Morano ay geeriyootay shalay galab xili ay ku fadhisay kursigeeda kuna sugneyd xaafadeeda Verbania ee ku taalo aga gaarka harada lagu magacaabo Maggiore.

Emma Morano waxaa la dhasheen 7-walaalo ah oo dhamaantooda ka yaraa balse iyada ayaa cimri ahaan waartay oo dhamaantood walaalaheeda wey geeriyoodeen inta ay iyada nooleyd.

Emma Morano oo sanadkii hore wareysi lala yeeshay waxay tiri “20-kii sano ee ugu dambeesay labadeyda qol kama bixin, sidoo kalena maalinkii labo ukun ka badan ma cuno waayo ilko ma qabo oo aan raashiin badan ku cuni karo”

Buuga diiwaanka iskoorada aduunka lagu qoro (Guinness World Records) ayaa sanadkii hore lagu qoray in Emma Morano ay tahay qofka ugu da’da weyn ee dunida ku nool.

Sidoo kalena Emma Morano waa qofkii ugu dambeeyay ee dhashay qarnigii 19-aad waxaa ka horeesay oo geeriyootay Violet Brown oo dalka Jamaica u dhalatay taasi oo dhalatay 10-kii Maarso 1900.

Emma Morano jaceylkeedii kowaad ama seygeedii kowaad wuxuu geeriyooday dagaalkii kowaad ee aduunyada, balse kadib guur labaad ayay gashay laakiin seygeedii wey isaga carartay ka hor inta uusan dagaalkii labaad ee aduunyada bilaabanin madaama uu ahaa shaqsi dagaal iyo rabshad badan dhibaatana ku haayay Emma Morano waxayna ka tagtay markii halka wiil oo ay dhashay ka geeriyooday asigoo mulug ah ama aad u yar.

- Advertisement -

Read more

Local News