Xaqiiqda xiisadda cusub ee Gaalkacyo yo dagaal weli loo ciil qabo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ka jirto saan saan colaadeed kadib markii ay labada Maamul Galmudug iyo Puntland isku khilaafeen dayactirka garoonka Diyaaradha Gaalkacyo.

Arrintaas ayaa keentay in Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo wata gaadiid Dagaal la geeyo eeryada Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Galkacyo oo dhisme lagu bilaabay.

Ciidamada iyo Gaadiidka dagaal ayaa la sheegay inay yihiin kuwo looga hortagaayo dhismo ay Puntland la damacsan tahay Garoonka diyaaradaha.

Ciidamadaani aadka u hubeysan ayaa la sheegay inay doonayaan carqaladeynta dhismaha Garoonka oo iminka bilaabanaaya.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda, gaar ahaan kuwa aad ula socodo xaaladda Magaalada Gaalkacyo iyo Khilaafka Laba maamul ayaa ku talinayo in xaaladda la dajiyo isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

Galmudug ayaa ku doodeyso In Maamulka Puntland uu dumis kula dhaqaaqay dhul ay dagan yihiin dad kasoo jeedo maamulkooda, halka Puntland ay ku doodeyso inay dayactir ku sameeneyso Garoonka diyaaradaha.

Magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo daashay Xabad iyo dagaal, haddana ciil uma qabto inay mar kale aragto xaaladihii adkaa oo ay horey usoo martay, si midaas aysan u dhicin waxaa lagama maarmaan ah in labada maamul ay fadhiistaan kursiga wadahadal si looga baaqsado dhiig mar kale ku daato Magaalada.

Horey ayaa loo yiri dagaal wiil kuma dhasho ee wiilaa ku dhinto, waxaa la gudboon waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta labada maamul inay deg deg u farageliyaan xiisadaan keeni karto inay labada maamul mar kale gacanta iskula tagaan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa furan dagaal u noqotay Galmudug iyo Puntland, waxayna midaas keentay inay Magaalada yeelato qad cagaaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu nabad waarto ka keeni doono Magaalada Gaalkacyo, ilaa haddana ma muuqato tallaabo uu madaxweynaha u qaaday xaaladda Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com