Boorsaani oo dacwado ka dhashay dhul boob uu sameeyay lagu sagootiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi ay buux dhaafiyeen dacwado ka dhan ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale.

Dacwadaha ayaa la sheegayaa inay ku saleysan yihiin dhul boob uu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana dacwadaha gudbiyay qoysas ku nool magaalada Muqdisho iyo kuwo ka yimid dalka dibadiisa oo kusoo baxay kawar helida dhulkooda la boobay.

Dhulalka la boobay ayaa isugu jira dhulal deegaan ah iyo kuwo waaweyn oo markiisa hore ahaa Ganacsi, waxaana laga iibiyay dad kale.

Dhulalka dacwadiisa la gudbiyay ayaa waxaa kamid ah Iskuulo iyo dhulal kale, waxaana wax ka qabashada Dacwada looga fadhiyaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Boorsaani ayaa labadii bil ee ugu danbeysay iib geynaayay dhulal farabadan oo qaarkood leysku heystay, halka qaarna ay ahaayen kuwo si cad loola baalmaray sharciga, isla markaana la iibsaday.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Maxamed, ayaa la magacaabay xili magaalada Muqdisho laga hadal hayo dhul boobka maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com