27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaano ka mid ah BF oo bilaabay olole degmo cusub loogu kordhinayo Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo la ogyahay in Dhawaan degmooyinka Muqdisho lagu daray Kaxda, ayaa haddana waxaa socdo qorsho weyn oo lagu doonayo in Garasbaaley la dhigo degmo kale oo kamid noqoneyso Muqdisho, taasoo ka dhigan in Muqdisho ay noqon doonto ilaa 18 Degmo.

Ololahaan ayaa waxaa wado Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalk ah ee Soomaaliya, waxayna doonayaan inay ka dhabeeyaan arrintaan.

Ololaha intiisa badan waxaa wado xildhibaano kasoo jeedo Beesha Wacbuudhan Abgaal, waxayna wacad ku mareen inay arrintaan ka guul keeni doonaan.

Xildhibaanada qorshahaan hor boodayo ayaa waxaa kamid ah   Eng. C/qaadir Carabow, Drs. Mina Xasan Shibis, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Maxamed Ganey, Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci iyo Xasan Mudey, waxayma maanta kormeer ku tageyn deegaanka Garasbaaley ee duleedka koofureed ee Muqdisho.

Safarkaan ay xildhibaanada ku tageen Garasbaaley ayaa ahaa mid lagu sheegay xuquuq raadinta sidii Garasbaaley u noqon laheyd degmo, waxaana ay booqdeen Xarunta degmada, Isbitaal ku yaala deegaankaas iyo Xarun jaamacadeed, waxayna saacado kooban ku qaateen halkaas.

Waxay tilmaamen inay Garasbaaley tahay meel deegaan ahaan u dhameystiran  adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa iyo shuruudihii uu ku buuxin lahaa degmo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa degmo u aqoonsaday deegaanka Kaxda, taasoo noqotay degmadii 17aad ee ka tirsan Gobolka Banaadir, waxayna degmadaas leedahay maamul degmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News