Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulanka Farmaajo iyo Ahlu-Sunna ee Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Villa Somalia kullan ku yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin ka socta Ahlusuna uu Hogaaminaayo Hogaamiyaha Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa sameynta xiriir fog oo dhexmara DFS iyo Maamulka Gobolada Dhexe oo ka Siyaasad duwan maamulada kale.

Waxaa diirada lagu saaray dar dargelinta wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna oo la filaayo inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka codsaday madaxda Ahlu Sunna inay fududeeyaan wax kasta oo keeni kara isku soo dhawaansho dhexmarta Ahlu Sunna iyo madaxda Galmudug.

Madaxweyanha waxa uu cadeeyay in dhankooda ay ka sahli doonaan wax waliba oo keeni kara midnimada basle Ahlusuna looga baahan yahay inay qaatan wadahadalka iyo wixii maslaxad u ah dalka.

Sidoo kale, waxaa madasha ku sugnaa Cabdi Faarax Juxa oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo sheegay in DFS ay si gaara u xanaaneyn doonto Ahlusuna oo uuu sheegay inay nabadeysay deegaanada uu ka jiro maamulkooda.