Halkaan arrin miyey caddeyn u tahay in xilalka laga qaadi doono ku xigeenada G/Banaadir?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan xilka Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho la wareegay Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana hadda muuqanayo ififaalo muujinayo inuu isbadal ku sameyn doono ku xigeenadiisa iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka.

Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan xarunta gobolka Banaadir oo sheegayo in Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu albaabada ka xirtay Kuxigeenadiisa iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka, taasoo noqotay arrin tusaale u noqotay wixii la hadal hayey maalmihii ugu dambeeyey.

maalmo kahor xilka ayuu si rasmi ah ula wareegay welina wax kulan ah lama qaadan Gudoomiye kuxigeenada iyo sidoo kale Gudoomiyaasha Degmooyinka, waxaana la sheegay in Gudoomiyaha uu ku mashquulsan yahay isbadal lagu sameeyo xubnahaasi mana noqoneyso wax ku cusub mas’uuiliyiinta dowladda.

Guddoomiyaha ayaa maalin hore booqasho ku taga Degmada Dayniile waxaana jirto xog muujineyso inaan safarkaas lala wadaagin  ku xigeenada, mana jirin wax masuul ah oo katirsan gobolka oo Gudoomiyaha booqashadiisa ku wehliyay marka laga reebo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka oo safarkaas la socoday.

Waxaa hadda miiska lasoo saaray  Xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiye kuxigeenada gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka, waxaana maalmaha soo socdo la filayaa is badal deg deg ah.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa yeelan doona sadex Gudoomiye kuxigeen oo la sheegay in mid kamid ah ay noqon doonto Haweeney, waxaana meesha ka bixi doona Gudoomiye kuxigeenada hada shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqidisho
Caasimada@live.com