Puntland oo dagaal culus isku diyaarineysa iyo xiisad ka jirta…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan duulan ka dhan ah maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee ku dhaqan deegaanada maamulka.

Maamulka ayaa sheegay in duulaankooda uu noqon doono mid lagu soo afjaro dhaqdhaqaaqyada ay Daacishta Somalia ka wadaan deegaanada Puntland, gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmada Qandala.

Guddoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa sheegay in maleeshiyaadka Daacish ay joogaan degaano hoostaga Degmada Qandala, gaar ahaan dhulka buuraha, halkaasi oo uu sheegay in Gaadiidka iyo Ciidanka intuba ay u galaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay halis ugu jiraan inay usoo gudbaan deegaanada maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Taliyayaasha ciidamada ay lasoo degdegaan ciidamada lagu xoreyn lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada.

Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa sidoo kale sheegay inuu socdo u diyaar garowga la dagaalanka Daacish, waxa uuna cadeeyay in dagaalka uu noqon doono mid kama danbeyn ah oo Daacish looga sifeynaayo deegaanada ay ka heystaan Puntland.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegayaa in iminka ay qabsadeen deegaan labaad oo ku yaalla Degmada Qandala, waxaana lasoo sheegayaa inay kusii faafayaan deegaanada Qandala.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ciidamada dhowaan ay qaadi doonaan Howlgalkaasi, si loo xaqiijiyo in Daacish Aagaasi laga sifeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka Daacish ayaa deegaanada Puntland ka bilaabay gowraca iyo dhaca dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com