28.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo waxyaabaha laga diiwaan geliyay safarkiisii Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalada Baydhabo, kaasi oo ahaa safar gudaha dalka uu ugu ambabaxay.

Safarkaasi walow uu lahaa ujeedadiisii gaarka ah lahaa haddana waxaa jiro waxyaabo laga diiwaan geliyay oo ay isaga mid ka noqdeen madaxweynihii ka horeeyay, walow uu qodob kale mid kaga noqon waayay.

Madaxda Soomaaliya waxaa inta badan safarkooda ugu horeeya ay ku tagi jireen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana safarkooda koowaad ee gudaha dalka uu ahaa magaalada Baydhabo.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 1 October 2012, waxaa uu booqasho  dalka ka bilaabay Baydhabo, isagoo xiligaasi u tagay magaalada Baydhabo la tashi ku aadanaa cidda ay la damacsan yihiin ra’iisul wasaaraha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagana kala siman Xasan Sheikh in safarkiisii ugu horeeyay ee gudaha dalka uu ku tago magaalada Baydhabo, balse labo arin ayuu kaga duwanaa oo kala h inuusan u tagin la tashi ku saabsan Ra’iisul wasaaraha uu keenayo iyo inuusan safarkiisa dibbada ku aadin dalka ethiopia.

Waxaa la isweydiinaya waxyaabaha yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, oo madaxda la doortaa ay safarkooda koowaad kaga dhigaan, balse xiligan deegaanadaasi waxaa ka jira abaaro daran oo loo qaadan karo in madaxweynaha u kuurgalayay.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News