Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey shirka bisha soo socoto Soomaaliya uga furmi doono Magaalada London kaasoo looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan Xaaladda Soomaaliya.
Kheyre ayaa ka dhawaajiyey in shirkaas lagu ansixin doono qodob muhiim ah oo ku saabsan cuna qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya muddo badan, kaasoo ay fashilmeen dowladihii hore inay xal u helaan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay Muhiimadda Shirka London oo bisha soo socota ee Maay Bilowgeeda ka dhaca dalka Ingiriiska loogana hadlayo Arimaha Soomaaliya .
Wuxuu sheegay in shirkaas looga hadlayo Amniga, Dhaqaalaha, Dowlad wanaaga iyo arrimo kale, waxaana uu intaas ku daray in wixii ka soo baxa shirkaas lala wadaagayo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in shirk London sidoo kale ka dhex gudbin doobto codsi ku aadan inSomaaliya laga qaado cuna qabateynta Hubka ee Mudadadheer saaran , waxaana uu tilmaamay in ay qeyb ka qaadan doontto qorshaha amniga lagu xaqiijinayo .
Wuxuu sheegay in qorshaha dowlada Soomaaliya ee dalabka cuna qabateyn qaadista uu yahay mid socda ,waxaana uu shaaciyy hadii Soomaaliya laga qaado xilligaan Cuna qabateynta hubka ee saaraan ay ka qeyb qadan karto in ciidamada ay adwood u yeeshaan inay amnigooda sugtaan .
Haddii Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran muddo sanado ah, waxay midaas dowladda Soomaaliya ka saacidi doontaa inay gacanta ku dhigto amniga Soomaaliya, isla markaasna waxaa laga maarmi doonaa ciidamada AMISOM ee 10 sano ku sugan Soomaaliya, waxayna dowladda dhexe awood u yeelan doontaa inay soo iibsato qalab Militari oo casri ah oo ay ugu horeyso Taangiyo iyo diyaaradaha Dagaalka.