Xog: Maxaad ka taqaaan 3-da mas’uul ee ugu awooda badan dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay ka dhigan tahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Soomaaliya, nooca uu doono iyo dhinaca uu doonaba ha noqdee.

Doorashadii lama filaanka ahayd ee Farmaajo waxay meesha ka saartay beelo gaar ah oo xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha u xirnaa kuwaasoo dowladihii dalka isaga danbeeyay burburka kadib awoodda lagu qeybsan jiray, ilaa heer ay gaarto in la aamino in cid aan kasoo jeedin beelahaasi madaxweyne ka noqon karin Villa Somalia.

Arrintu waxay sii laba kacleysay markii Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Ra’iisal wasaare nin kasoo jeeda beel aan lagu tirin jirin kuwa is laheysiiyay jagooyinka sare ee dowladda, waxayna noqotay jugtii labaad ee ku dhacday beelihii waaweynaa.

Intii lagu jiray dhismaha xukuumadda iyo muddooyinkii ka danbeeyay waxaa soo if-baxay  siyaasiyiin kala duwan oo galaan ku leh dowladda cusub, qaarkoodna ay fure yihiin madaxda sare (Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha), waxaana ka mida.

XILDHIBAAN MUSTAF DHUXULOW: Waa xildhibaan in muddo ah ku soo jiray siyaasadda oo xilal wasiiro kala duwan kasoo qabtay tan iyo xukuumadii C/llaahi Yuusuf, waxaa hadda lagu tilmaamaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan dowladda cusub ee geed-fadhiga u ah. Xildhibaan Mustaf ma qarsan arrintan waxaana mar waliba lagu arkaa shirarka iyo xafladaha xukuumadda iyo Gobolka Banaadir, waxayna dadka qaarkii ugu yeeraan nin ka shaqo badan wasiirada qaarkood oo dusha ka haga shaqada xukuumadda.

XUSEEN MACALIN MAXAMED:  Waa la-taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhinaca amniga Qaranka, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ugu horeeyay ee la magacaabo, waxay saameyntiisa soo baxday kadib markii uu si weyn ugu lug yeeshay Qorshaha Amniga Qaran ee muranka ka dhashay, waxaa la sheegaa inuu la wareegay shaqadii wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha oo uu yahay mas’uul idman oo madaxweynuhu leeyahay.

C/RAXMAAN YUUSUF CEYNTE: Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna siyaasi da’yar oo dad badan xushmeeyaan wuxuu ka mid noqday dadka ugu saameynta badan dowladda Farmaajo iyo Kheyre, waxaana lagu tilmaamaa ninka xogta u haya madaxweynaha, isagoo ka dhex muuqday inta badan safarradii dibadda ee Farmaajo. Wasiir Ceynta waxaa loo saadaaliyay in loo magacaabi doono safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, laakiin ma cadda inuu sidan kula shaqeyn doono madaxweynaha iyo in kale.

Saddexda nin ee kor ku xusan, waxay kasoo wada jeedaan hal beel, waana beesha ay ka dhasheen ra’iisuo wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xaaska madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xanta suuqa u gashay dowladdan ayaa ah mid ku dhisan XIGTO oo lagu bedelay tii kooxeysiga ku dhisneyd ee Xasan Sheekh, waxaase la arki doonaa halka ay xaajadu ku dambeyso.

Isha: Goobjooge

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET