Xog-Warran: Farmaajo ma fuliyey ballantii aheyd inuusan diyaarad khaas ah raaci doonin marka uu safrayo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilaa hadda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Fafmaajo wuxuu galay 5-safar Ma jirto hal diyaarad oo si private ah loogu kireeyay canshuurta laga qaaday dadka soomaliyeed.

SAFARADA IYO DIYAARADAHA:

1-#SUCUUDIGA.….Diyaaradda Madaxweynuhu raacay waxay ahayd mid si gaar ah boqortooyada sucuudigu ugu soo dirtay.

2-#JORDON…..Diyaaradda Madaxweynuhu raacay waxaay ahayd mid si gaar ah jaamacadda Carabtu ugu soo dirtay maadama uu ka qaybgalayay shirkii wadamadda carabta ee Ka dhacay Magaalada camman ee dalka urdun.

3-#KENYA….. Diyaaradda madaxweynuhu ugu safray dalka kenya waxaay ahayd FREEDOM AIR oo ka mid ah diyaaradaha shacabka ee maalin kasta ka dhoofa xamar , shacabka ayuu ku dhex safaray oo si gaar ah looguma kireyn madaxweynaha. Wuxuu ku raacay qiimaha tigidhada ee qofka shacabka ah laga qaado.

4-#IMAARATKA– Diyaaradda qaaday madaxweynaha waxaay ahayd mid si gaar ah oo maamuus leh dowlada imaaratku ugu soo dirtay.

5-#TURKIGA…..Maamuus aan horay loo arag ayaay ina siiyeen walaalaha dowlada turkigu. Diyaaradda madaxweyne farmaajo loo soo diray waxaay ahayd diyaarada gaarka ah ee qaada madaxweynaha turkiga.

Muhiimada qoraalkan waa in shacabku ogaadaan in aysan khasaarin taageeradii iyo garab istaagii ay siiyeen madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labada qodob ee in la xuso mudan waa dhaqaalaha iyo kharashka inoo baaqday ee markii hore ku bixi jiray diyaarado lasoo kireeyo iyo qodobka kale oo ah maamuuska iyo ixtiraamka aynu ka helnay wadamada aduunka mar hadii wadankii Madaxweynaha casuma uu soo dirayo diyaarad gaar ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET