Maxaa laga faa’iiday safarada Farmaajo ee dalka dibadiisa? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo 8-dii February 2017-dii, waxaa uu dalka dibadiisa u aaday 5 safar, intooda badan war saxaafadeed kooban ma ahee heshiisyada la gaaray iyo ahmiyadooda wax macluumaad dheeri ah lagama haayo.

Macluumaadka soo gaaro saxaafadda iyo hey’adaha warbaahinta ma aha mid ka jawaabaya dhammaan su’aalihii loo baahnaa, taasi oo keeneysa in uu shacabka wareero, isla markaana la isweydiiyo  ujeedada safararadaasi iyo wax laga faa’iday?

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Safaradda Farmaajo Ee Dibadda Iyo Faa’idada:

1. February 23, 2017: Booqashada Farmaajo Ee Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudiga kadib 16 maalmood doorashadiisa, isaga oo magaalada Riyaadh kula soo kulmay boqor Salmaan iyo mas’uuliyiin kale, shir jaraa’id uu Farmaajo ku qabtay  Muqdisho markii uu soo laabtay, waxaa uu uga waramay waxyaabihii uu kala soo kulmay Sacuudiga.

Farmaajo waxaa uu sheegay in uu Sacuudiga kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, duruufaha Soomaaliya heysta, abaaraha, cunaqabateynta xoolaha, dib u dhiska dalka, kabidda miisaaniyadda, waxaa ay Sacuudiga ballan-qaadeen sida uu sheegay in ay dhisayaan dhismayaasha dumay ee xafiisyada dowladda oo baarlamaanka ka mid yahay, dhismaha waddooyinka dalka isku xira iyo Airporti cusub, arrimahaas oo madaxweyne Farmaajo sheegay in Sacuudiga ay fulin doonaan, laakin lama sheegi waqtiga iyo qaabka howlahaasi ku fulayaan.

2. March 22, 2017: Booqashada Farmaajo Ee Kenya:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay dalka Kenya March 22-keedii ee sanadkan, isaga oo maalintii xigtay halkaasi kulan kala qaatay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, shir jaraa’id oo labada madaxweyne qabteen waxaa ay sheegeen in arrimo badan oo ay isku afgarteen.

Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne, waxaa ka horreeyay kulan ay wada qaateen wafti heer wasiirro ah oo ka socday labada dal.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay ku jiraan nabad-galyada, ganacsiga, maalgeshiga, duulimaadka, beeraha, hor-u-marka, dalxiiska, kaluumeysiga, shaqada, isu socodka iyo qodobo kale.

labada dhinac waxaa ay ku heshiiyeen:                    

  1. In Duulimaadka lagu baaro Wajer la joojiyo, oo diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay toos u tagaan Nairobi.
  2. In la furo isu socodka iyo ganacsiga xadka, gaar ahaan Dhooble iyo Buul-xaawo.
  3. In diblomaasiyiinta labad dhinac aan laga qaadin wax fiiso ah.
  4. In la howlgeliyo Joint Commission of Cooperation (JCC)kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.

3. March 29, 2017: Farmaajo iyo Shirkii Jaamacadda Carabta:

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa labo maalmood ka socday dalka Urdun, madaxweyne Farmaajo waxaa ay u aheyd markii ugu horreysay uu ka qeybgalo, waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Boqorka Urdun Cabdalla Bin Xuseen, war murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedka oo ka koobnaa 15 qodob, waxaa Soomaaliya lagu sheegay qodobka 10aad kaas oo u qornaa sidan:

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed howlaha dhameystirka doorashada, waxaa xaqiijineynaa in aan garab taagannahay dadaallada dib-u-dhiska iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha dhaqaalaha, koboca iyo la dagaalanka argigixisada”.

4. April 10, 2017: Booqashada Farmaajo Ee Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay Imaaraadka waxaa uu halkaasi kula kulmay dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan 10-kii bishan, kulanka ayaa ka dhacay hoyga lagu magacaabo al-Baxar.

Dowladda Soomaaliya War Saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay u qortay sidan:

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay”.

5. April 26, 2017: Booqashada Farmaajo Ee Turkiga:

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo 3 maalmood aheyd, arrimaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa kulan dhex maray Farmaajo iyo Racep Tayyep Erdogan iyo madaxweyanaha  oo ka qeyb galay kulanka 1aad ee wasiirrada beeraha ee Afrika iyo Turkiga iyo madal arrimaha beeraha looga hadlayey.

War Saxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah oo looga hadlay booqashada waxaa ku jiray labada faqro:

“Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhankeeda u saxiixay heshiiyada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, halka Jamhuuriyadda Turkiya uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Mudane Lutfi Elvan”

Waxaa xusid mudan in aan la ogeyn wax ka fulay heshiisyo labada dal ay galeen bishii June ee sanadkii hore, kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen:

-Iskaashi dhexmaraya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu (AA), Heshiis la xiriira canshuuraha, dhinaca caafimaadka xoolaha,  dhinaca kobcinta iyo xaq-dhowrka maalgashiga, dhinaca tababarka booliska, dhinaca waxbarashada, Heshiis dhinaca tababarka iyo iskaashiga caafimaadka milatariga, dhinaca tamarta iyo macdanta,dhinaca shaqada, shaqaaleynta iyo tayeynta xirfadaha.

Dhammaan safarada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo, ahmiyadda wafdiga raacaya, heshiiyada nooca iyo waqtiga ay fulayaan iyo faah-faahinta sida wax u dhacaan waa arrin aan macluumaad badan laga heyn, arrintaasi oo mas’uuliyadeeda ay qaadayaan wasaarado ka tirsan dowladda federaalka ah iyo xafiiska madaxweynaha.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye – GJ

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET